Skip to main content

Posts

Showing posts from April 5, 2017

Zuma oo galay xaalad jahwareer iyo baaq adag oo kaga yimid

Midowga ururrada shaqaalaha ee dalka Koonfur Afrika ugu awoodda badan ayaa ugu baaqay madaxweynaha dalkaasi in uu xilka iskaga tago. Xoghayaha guud ee Cosatu, Bheki Ntshalintshali, ayaa sheegay in Madaxweyne Jocob Zuma uusan ahayn wixii iminka ka dambeeya qofkii ku haboonaa ee waddankaasi hogaamin lahaa. Dadkii ka soo qeyb qaatay dagaalkii looga soo horjeeday midab takoorka ayaa sidoo kale ugu baaqay xisbiga haatan talada haya ee ANC in ay dib ugu yeeraan madaxweynaha. Mr Zuma ayaa wajahaya cambaareyn xoog leh ka dib markii uu shaqada ka ceyriyay wasiirro tiro badan oo uu ka mid yahay wasiirkii maaliyadda Pravin Gordhan oo aad loo xushmeeyo. Waxay tallaabadaasi horseedday in uu dhulka galo dhaqaalaha waddankaasi. Ururka ay shaqaalaha ku midoobeen ayaa ka mid ah ururrada ugu awoodda badan ee gacan saarka la lahaa xisbiga haatan talada haya ee ANC, waxaana la sheegay in xubin ay ka yihin dad gaaraya 1.8 malyuun oo qof.

Sawirka maanta

p dir="ltr"> Haween geel lisaya Sawirku waxaa ka muuqda haween soomaali geel lisaya. Sawirkani waxa uu ka mid yahay sawirada ugu cajiibka badan ee dunida laga soo qaado. Soomaalidu waa xoola dhaqato badan kooduna waxeey ku nool yihiin miyiga. Hadii aad maqli jirtay rag baa geel lisa haatan dumar baa lisaya. Sawirkaan iyo mid la mid ah waxaan idin rajeynayaa nabad iyo baraar.