Skip to main content

Zuma oo galay xaalad jahwareer iyo baaq adag oo kaga yimid

Midowga ururrada shaqaalaha ee dalka Koonfur Afrika ugu awoodda badan ayaa ugu baaqay madaxweynaha dalkaasi in uu xilka iskaga tago.
Xoghayaha guud ee Cosatu, Bheki Ntshalintshali, ayaa sheegay in Madaxweyne Jocob Zuma uusan ahayn wixii iminka ka dambeeya qofkii ku haboonaa ee waddankaasi hogaamin lahaa.
Dadkii ka soo qeyb qaatay dagaalkii looga soo horjeeday midab takoorka ayaa sidoo kale ugu baaqay xisbiga haatan talada haya ee ANC in ay dib ugu yeeraan madaxweynaha.

Mr Zuma ayaa wajahaya cambaareyn xoog leh ka dib markii uu shaqada ka ceyriyay wasiirro tiro badan oo uu ka mid yahay wasiirkii maaliyadda Pravin Gordhan oo aad loo xushmeeyo.
Waxay tallaabadaasi horseedday in uu dhulka galo dhaqaalaha waddankaasi.
Ururka ay shaqaalaha ku midoobeen ayaa ka mid ah ururrada ugu awoodda badan ee gacan saarka la lahaa xisbiga haatan talada haya ee ANC, waxaana la sheegay in xubin ay ka yihin dad gaaraya 1.8 malyuun oo qof.

Comments

Popular posts from this blog

nin laayay xer uu maxad u ahaa

dalka bakistaan waxaa ka dhacay arin fool xun kadib nin hogaamiye u ahaa xer suufiya ah oo ku ciideeysanayay meel kamid ah gobalka punjab ugu yraan waxaa ku dhimatay 20 qof booliska ayaa xiray nin la rumeeysan yahay in uu ka dambeeyay ficilka dhacay ninkaan ayaa xertiisa ka dalbaday in ay qolka mid mid ugu soo galaan kadib na wuu daroogeeyay waxa uuna lku laayay baangad

Qiso yar oo cajiib ah

QISO YAR OO CAJIIB AH. Waa Hooyo leh Afar Gabdhood oo yaryar, Ninkeedana wuu Geeriyooday waxey ahaayeen Reer Danyar oo aad u liita, Hooyadani waxey Degan tahay Magaalo Dadka Islaamka ahi ay ku Badan yihiin, waxaase ku Adkaatay iney Hesho Caawinaad, Silac iyo Saxariir Badan ka dib waxey Go'aansatay iney ka Haajirto Magaaladii, waxeyna u Haajirtay Magaalo ay ku badan yihiin, Dad Caabuda Asnaamta. Waxay Raadisay Meel Masaajid ku yaalo, Markii Dambe waxa loo Tilmaamay meel Magaalada Geeskeeda ah ah in Masaajid ku yaalo, wey Lugeysay, waxay Timid Masaajidkii, waxeyna la kulantay Imaamkii Masaajidka waxay u Sheegatay Waayihii ay soo Martay, iyo sida ay u Dhibaateysan yihiin iyada iyo Caruurteeda. Markey Maalmo Halkoodii ay Deganaayeen, kuna Nasteen, ayaa Imaamkii Masjidka ee soo Eryey,  Habeen ku Riyooday Rasuulka CSW oo Hortaagan Guri Weyn oo Janada ku yaala oo aad u Qurux badan, Dad badan oo Imaamku ku jirana ay Hortaagan yihiin, Rasuulka CSW oo dhahaayo:- War y...