QISO YAR OO CAJIIB AH.
Waa Hooyo leh Afar Gabdhood oo yaryar, Ninkeedana wuu Geeriyooday waxey ahaayeen Reer Danyar oo aad u liita, Hooyadani waxey Degan tahay Magaalo Dadka Islaamka ahi ay ku Badan yihiin, waxaase ku Adkaatay iney Hesho Caawinaad, Silac iyo Saxariir Badan ka dib waxey Go'aansatay iney ka Haajirto Magaaladii, waxeyna u Haajirtay Magaalo ay ku badan yihiin, Dad Caabuda Asnaamta.
Waxay Raadisay Meel Masaajid ku yaalo, Markii Dambe waxa loo Tilmaamay meel Magaalada Geeskeeda ah ah in Masaajid ku yaalo, wey Lugeysay, waxay Timid Masaajidkii, waxeyna la kulantay Imaamkii Masaajidka waxay u Sheegatay Waayihii ay soo Martay, iyo sida ay u Dhibaateysan yihiin iyada iyo Caruurteeda.
Markey Maalmo Halkoodii ay Deganaayeen, kuna Nasteen, ayaa Imaamkii Masjidka ee soo Eryey, Habeen ku Riyooday Rasuulka CSW oo Hortaagan Guri Weyn oo Janada ku yaala oo aad u Qurux badan, Dad badan oo Imaamku ku jirana ay Hortaagan yihiin, Rasuulka CSW oo dhahaayo:- War yaa Islaam ah oo Gurigaasi aan siiyaa, Markuu Kelmadaasi uu yiri Rasuulka ayaa waxaa Gacanta taagay Imaamkii, Markaas ayaa Rasuulka CSW, soo Jeestay oo ku yiri:- Adiga Maxaa Cadeynaayo inaad Islaam tahay ? soadigii Caruurtii yared ee Agoonta aheyd iyo Hooyadoodba u Naxariisan Waayay?.
Markuu Aroortii soo toosay ayaa Imaamkii isagoo yaaban oo Lacag Badana soo Qaatay ayuu Raadiyey Hooyadii iyo Caruurteedii, wuxuu Cid Wareystaba waxa loo Sheegay in ay Wadaadkii Kaniisada ay Gurigiisa Joogaan, wuu Orday wuxuu ugu Tegay Gurigii Wadaadkii kale, kolkaas ayuu ku yiri:- Intaad Doonto Sheego Lacag oo Fadlan igu soo Wareeji Caruurtaan iyo Hooyadooda.
Wadaadkii Kaniisada ayaa Intuu Dhoola Cadeeyey oo uu soo kaxeeyey Imaamkii ayaa wuxuu Tusay Caruurtii yaryarayd oo la Ciyaaraysa Caruurtiisa iyo Hooyadood oo la joogta Xaaskiisa oo Faraxsan, wuxuuna ku yiri:- War Caruurtan iyo Hooyadood lagama yaabo iney Gurigani ka baxaan waayo Waa Raxmad iyo Naxariis Noo Soo Gashay, Xalay oo Dhana waxey Nooga Sheekayneeysay Diinta Islaamka, Aniga, Xaaskeyga iyo Caruurteenaba wey na Islaamisay oo waxaan Qaadanay Diinta Islaamka.
Markuu Intaasi yiri ayuu Imaamkii Masaajidku Candhuuftiiisi Dib u Liqay, oo Albaabkii Orod uga sii baxay.
FIIRO GAAR AH:-
Qisadani waxaan ka Turjumay Kitaabka la yiraahdo (Al Saaca Wal Saaca), waxaana Qoray Sheekh Maxamuud Al-Masri.
Qisadan haday Ku Qancinsay ( ka Heshay )
So Qor
Jazza Ukumullah Wa Bilaahi Towfiiq
La Wadaag Asxaabta Share Free
👍👍👍👍👍👍👍 انتهت قصه
Comments
Post a Comment